Somali News

Ciidamada dowlada iyo Al-shabaab oo maanta ku dagaalamay Sh/hoose

Qoryooley-KNN-Wararka ka imaanaya degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in deegaan hoos yimaada degmada Qoryooley ay ku dagaalameen Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Sida dadka deegaanka ay u xaqiijiyeen Idaacada Kulmiye Ciidamada dowlada ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen Al-shabaab oo deegaankaas ku sugnay.

Sidoo kale dagaalkaas ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay inkastoo aan la ogeen inta uu egyahay khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaas.

Maamulka degmada Qoryooley ayaa guulo ka sheegtay dagaalkaas waxa ayna tilmaameen in hal dagaalame ay ka dileyn Al-shabaab tiro kalane ay ka dhaawaceen, kadib howgal ciidamada ay sameeyeen.

Majiraan faafaahin intaas dhaafsiisan oo laga helaayo dagaalkaas, iyadoona dagaalkaas uu socoyay muddo kooban.