Uncategorized

Ciidamada dowlada iyo kuwa amissom Oo howgalo ka sameeyay deegano hoos yimaado Buula-Burde.

Baladweyn-KNN-Ciidamada dowlada iyo kuwa midowga Africa ee amissom gaar ahaan kuwa jabuuti ayaa howgalo ka sameeyay deegaano hoos yimaada Degmada buula-burde ee G.Hiiraan.

Gudoomiyaha degmada Buula-Burde ee gobolka hiiraan  Cabdi Daahir Guure Oo KNN lahadlay ayaa sheegay in howgalkaas ay ugu goleeyihiin xaqiijinta amaanka degmada buula-burde iyo deegaanada hoosyimaada.

Howgalkaan ay sameeyeen ciidamada dowlada iyo kuwa jabuuti ayaa imaanaya xili maamo ka hor ciidamada jabuuti qarax qasaaro kasoo gaaray lagula beegsaday gobolkaasi.