Uncategorized

Ciidamada dowlada oo howlgal lagula dagaalamayo burcada ka bilaabay gobalka Shabeelaha dhexe.

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya inta u dhexeysa deegaanka ceel macaan iyo dagmada warshiikh ee gobolka shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in halkaas uu ka bilowday howl gal ay ciidamada dowlada ka sameynayaan,si loo xaqiijiyo Amaanka wadadaasi .

Howl galka ciidamada ayaa ah sidii halkaas looga saari lahaa kooxo mileeshiyaad ah oo maalmahanba halkaas dhiganayay jid gooyooyin ay ku dhibaateynayaan Dadka Shacabka ah waxaa halkaas dadka looga qaadayay lacago sharci daro ah oo ay usii dheertahay dhibaatoyin loo geysto dadka rakaabka ah isla markaana laga qaadanayay wixii ay wataan.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Shabeelaha dhexe ayaa maanta ku baxay inta u dhexeysa deegaanka ceel macaan iyo degmada warsheekh ee gobalka Shabeelaha Dhexe,si looga hortago kooxaha maleeshiyaadka ah ee isbaarada u taala wadaada.

Waxaana masuuliyiintaasi ka mid ah gudoomiyaha gobalka Shabeelaha dhexe,Axmed Meyri Makaraan,iyagoona u kuur galaya xaalada wadada isku xirta degaanka ceel macaan iyo Degmada Warsheekh ee gobalka Shabeelaha Dhexe waxaana ay tageen deegaanka ceel macaan.

Dhanka kale waxaa manta la filayaa in gudoomiyaha iyo wafdigiisa ay ka tagaan dagmada warsheekh ee gobalka Shabeelaha Dhexe oo la filayo iney caawa ku hoydaan waxaana ay halkaas kaga sii gudbi doonaan dagmada cadale ee isla gobolkan sh dhexe.

Qorshaha ay u tagaan degmada warsheekh ayaa waxaa lagu sheegay in halkaasi lagu qabanayo shirka lagu heshiisiinayo Beelihii ku dagaalamay deegaano hoos taga dagmada cadale kuwaas oo horay heshiis hordhac ugu gaaray jowhar balse loo balamay in hishiiska ugu danbeeya lagu gaaro dagmada cadale gaar ahaan deegaanka burdheere oo ah halkii ay ka bilaabatay colaada labada beel oo ah mid mudo badan soo taagneyd.

Wadada isku xirta Degaanka ceel macaan iyo Degmada warsheekh ayaa mudooyinkii dambe waxaa ku soo badanayay mileeshiyaad dhibaatooyinka u geysanayo gadiid iyo dadka isticmaala wadadaasi, waxaana tuulooyinka hoostaga deegaanadaasi ku soo batay jidgooyooyin ay dhigteen kooxahaas wadada.