Uncategorized

Ciidamo ka tirsan dowlada oo xalay lagu weeraray Muqdisho

Muqdisho-KNN-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay lagu qaaday ciidamo ka tirsan dowlada oo fadhiisimo cusub ka sameystay xaafada Xamar Jadiid degmada Warta-Nabada ee gobolka Banaadir.

Iska hor imaad mudda kooban socday ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday hal Askari iyo qof shacab ah, inkastoo dadka deegaanka oo KNN la hadlay ay sheegeen in khasaaraha intaas uu ka badan karo.

Ciidamada dowlada ayaa iska hor imaadka ka dib sameeyay howlgalo saacado yar socday, mana jiraan cid lagu soo qabtay howlgalkaasi.