Qoryooley-KNN-Wararka laga helaayo degmada Qoryoolay ee gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in saakay Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya ay baaritaano ka wadaan deegaano iyo Tuulooyin hoostaga Degmadaasi oo ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Ciidanka ay lug ku marayaan Wadooyinka soo gala degmada waxayna dadka weydiinayaan xaaladda deegaanka iyo halka ay joogaan Ururka Al-Shabaab.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa raadinya dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu tuhmaayo in ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Xaafadaha degmada Qoryoolay ee gobalka Shabeelaha Hoose.
Baaritaanka ay wadaan ciidamada xooga ayaa ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay qarxiyeen Buundo ku taala degmada Qoryoolay ee gobalka Shabeelaha hoose.
Al-Shabaab ayaa waxay ku sugan yihiin Deegaano hoostaga Degmada Qoryoolay ee Gobalka Shabeelaha hoose oo Halkaasi mararka qaar weeraro toos iyo Qarax ku soo qaada ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM ee Saldhigyada ku leh Degmadaasi.