Uncategorized

Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay duleedka Balcad.

Balcad-KNN-Wararka naga soo gaarayo duleedka degmada Balcad ee gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa soo sheegaya in maanta uu halkaasi ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.

Goob joogayaal ayaa KNN u sheegay in dagaalka uu ka dhacay Tuulada Ilbaq oo u dhaw deegaanka Golaley ee duleedka degmada Balcad waxaana ay shabaab wadada u galeen Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya.

Muddo dhowr daqiiqo ah ayaa la sheegay in dagaalka socday waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac inkastoo aan la ogayn tiradada Rasmiga ah.

Dagaalka oo goordhaw soo dhamaaday ayaa wali laga helin xog dhameestiran oo ku aadan sida ay wax u dhacayn.

La soco wixii ku soo kordha.