Somali News

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo howlgalo ka sameeyay Shabeelaha Hoose.

Muqdisho-KNN-Ciidanka Danab ee Xoogga Dalka yaa Hawlgal Qorshaysan ka fuliyey deegaanada kala ah Mubaarak iyo Darasalaam oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Hawlgalka intii u socday lagu dilay 13 isugu Jira horjoogeyaal & iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab isaggoo xusay in howlgalka lagu burburiyey, qaarna lagu qabtay Gaadiid isugu jira Baabuur & Motooyin oo Al-shabaab adeegsan jireen, waxaana sidoo kale lagu burburiyey Qaraxyo ay Rabeen In ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay taliyaha.

Dhinaca kale Taliyaha ayaa waxa uu mahadceliyey Ciidanka Amisom iyo kuwa dawladda Mareykanka oo gacan wayn ka Gaystay hawlgalkan, waxaana uu sheegay in  Hawlgalkaani  uu qeyb ka yahay Halwgalada dalka looga ciribtirayo Alshabaab islamaraakana uu sii Socon doono.