Uncategorized

Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Ethiopia oo ku wajahan deegaanka Leego ee Gobalka Sh/Hoose.

Leego-KNN-Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Ethiopia ayaa shalay ilaa saakay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wada gobalada Baay iyo Shabeelaha Hoose kaas oo ku wajahan sidii dib ay ugu qabsan la haayeen deegaanka Leego ee gobalka shabeelaha Hoose oo ay maamulaan Al-shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ayaa ka soo ruqansaday gobalka Baay waxaana la sheegay in ay ku soo dhawaadeen deegaanka Leego ee gobalka Shabeelaha Hoose halkaas oo ay Al-shabaab dib u qabsadeen waxaana dadka deegaanka ay soo sheegayaan in Cabsi ay ka jirto gobalka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa KNN u sheegay in ay jirto abaabulka ku wajahan dib u qabsashada Leego ee gobalka shabeelaha Hoose.

Al-shabaab ayaa Leego dib u qabsaday mudo laga joogo dhowr iyo labaatan Maalmood kadib Markii ay halkaasi ka baxeen Ciidankii AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.