Somali News

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay degmada Ruun-nirgood

Ciidamada Xoogga iyo dadka deegaanka ayaa gudaha u galay degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana halkaasi ay ka wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga.

Guddoomiyaha degmada Ruun-nirgood, Macalin Muxuyadiin oo la hadlay idaacadda  Kulmiye ayaa xaqiijijiyay in dagaalameyaasha Al-shabaab ay isaga baxeen degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa xusay in ay wadaan howlgal ka dhan ah dagaalameyaasha Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanaya tuullooyinka hoos yimaada degmada Ruun-nirgood.

Ciidamada xoogga ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka wada deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe oo ay ku sugan yihiin dagaalameyaasha Al-shabaab.