Somali News

Ciidamada Dowladda oo dib uqabsaday Degaanka Qalimow.

Muqdisho-KNN-Ciidamadda Dowladda ayaa dib ula wareegay Saldhigga deegaanka Qalimow, halkaas oo ay weerar xoogan ku qaadeen Al-shabaab saaka kadibna ay gacanta ku dhigeen saldhigga Ciidamada Dowladdu ku lahaayeen Qalimow.

Dagaalka oo dhaliyay khasaaro kala duwan ayaa inta kaxaqiijiyay waxaa ku dhinyay Lix Askari halka 4 Askari oo kalana ay ku dhaawacmeen Dagaalka waxaana saraakisha dowladda ay shegeen in Dhaawacyada Ciidamada loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab dhankooda waxaa ay sheegteen in Saanad ciidan ay Saldhigga ka qaareen, in kastoo Maamulka degmada iyo Militariga Soomaaliya uusan ka hadal sheegashada Al-Shabaab.