Muqdisho-KNN-Ciidamada Ilaalada degaanka ee loo yaqaano (Minishiibiya) ayaa goordhaw toogasho ku dilay Wiil dhalinyaro ah oo darawal ka ahaa Mooto Bajaaj sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan hey’adaha amaanka.
Dilka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Labada Buunde ee degmooyinka Xamar Jajab iyo Waabari, waxaana dilka kadib dhacay banaanbax ay dhigeyn dhalinyaro kale oo darawaliin ka ah Bajaajta.
Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa kala eryay dadkii banaanbaxa dhigayay, wali lama soo sheegin khasaare kale. Sidoo kale ma cadda in la qabtay ninkii dilka fuliyay iyo inkale.