Somali News

Ciidamada Dowladda oo Howlgallo ka sameeyay Gobolka Sh/Hoose.

Ciidanka Kumaandooska Gor-gor ee XDS, ayaa howlgal qorsheysan ku burburiyey fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayeen degaano hoostaga degmada Aw-dheegle ee Gobolka Sh/Hoose.

Howlgalkaan ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha guutada 17-aad ee Kumaandooska Gor-gor Gaashaanle Dhexe Dayax Cabdi Cabdulle.

Ciidanka Kumaadooska Gor-gor, ayaa waxa ay howlgalka ka sameeyay degaanada kala ah Shaam-gare,tawakal iyo nuucaanaay oo hoostaga dhammaantood degmadda Aw-dheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Mudooyinkii lasoo dhaafay Ciidamada Dowladda ayaa howlgallo xoogan ka waday Gobolka Shabeellaha Hoose kuwaa oo ay ku baacsanayeen Dagaalamayasha Al-Shabaab.