Somali News

Ciidamada Dowladda oo Howlgallo ka sameeyay gobolka shabeelaha hoose.

Muqdisho-KNN-Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgalo xooggan ka sameeyay tuulooyin hoostaga deegaanka lambar-konton ee gobolka shabeelaha hoose.

Deegaanada ay howlgalka ka sameeyeen ciidanka xoogga dalka waxaa ay kala yihiin Muuri, Idimow iyo Fidda Muuse kuwaa oo ka tirsan  gobolka shabeelaha hoose, Waxaana Ciidamada Dowladda shegeen in ay Saldhigyo waa weeyn ku kahaayeen Dagaalamayasha Al-shabaab.

Howlgalkan oo ahaa mid xoogan sida ay shegeen Saraakiisha Ciidamadda Dowladda, waxaa siwada jir ah ufuliyay ururka lixaad ee kumaandooska gorgor iyo Ciidanka 14 October ee xoogga dalka.

In kastoo Ciidamada Dowladda aysan Faah-faahin intaasi sheer bixin hada waxaa ay malmihii lasoo dhaafay Howlgallo ka wadeen degaano hoos yimaado gobolka shabeelaha hoose.