Somali News

Ciidamada Dowladda oo howlgalo ka fuliyay Shabeelaha hoose.

Muqdisho-KNN-Ciidanka Kumaandooska Xoogga ee loo yaqaan Gor-gor ayaa sida ay shegeen degaan hoosyimaado Bariire kudilay ku dhawaad 25-Dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab iyo horjoogayaal katirsan Al-shabaab, Dilka ayaana yimid kadib markii sida ay shegeen Ciidanka howlgal qorsheeysan ku gaareen halkaasi.

Ciidanka kumaandooska xoogga ayaa  howlgalkaan si gaara uga fuliyay sida ay shegeen inta u dhexeeysa Tawakal iyo Bariire iyadoo halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogan.

Taliyaha ururka 4-aad Guutada 17-aad kumaandooska Xds ee Gor-gor  (Dhamme Nageeye) ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in ciidanka ay kawarheleen in Al-shaab ay isku uruursanayaan inta dhexeeysa degaanka Bariire iyo tuulada Tawakal ee gobolka Shabeelaha hoose

Taliyaha ayaa tilmaamay in ay Al-shabaab gaarsiiyeen khasaare xoogaan islamarkaasna ay ka dileen 25-Dagaalame iyo dhaawac intaasi kabadan.

Inkastoo Al-shabaab wali aysan ka hadlin sheegashada Ciidamadda ay sheegteen in ay dileen xubno ka tirsan Al-shabab hada maalmihii lasoo dhafay waxaa socday Howlgallo ay sameeynayaan Ciidamadda Dowladda sidoo kale Al-shabaab shabaab ayaa iyana weeraray dhowr saldhig oo ciidamada dowladdu leeyihiin.