Uncategorized

Ciidamada dowladda oo Howlgalo ka sameeyay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Muqdisho-KNN-Ciidanka Xogga dalka ayaa maanta Howlgalo Qorsheysan ka sameeyay deegaanada kala ah Buulo Arundi, Malable, Siigaale, Busley, Daa’uud iyo Beeraha-Baay oo ah tuulooyin u dhow degaanka Janaale oo hoos tagta Magaalaa Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellada hoose.

Ciidanka Howlgalka Sameeyay ayaa sheegay in ay ka saareen Al-Shabaab, Degaanadaasi, iyagoona soo bandhigay raadad muujinaya goobihii laga saaray Al-Shabaab.

Ciidanka ayaa sidoo kale sheegay in ay  burburiyeen xarumo ay ku jirtay maxkamad Al-Shabaab ay lahaayeen taa oo ku tiilay gobolka Shabeellada Hoose, Waxa ay intaasi ku dareen in  gurmad u fidiyey dad tabaaleysan

Howlgalkaas waxaa hoggaaminayey Abaanduulaha ururka 84-aad ee guutada 14-ka October Cali Mahdi Beerdiide, sidoo kale gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee deegaanka Janaale ayaa qeyb ka ahaa hoggaaminta howlgalladaan balaaran.