Bariire–KNN– Wararka ka imaanaya Degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Xalay Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay isaga baxeen Fariisimihii ay ka degenaayeen Degaanka Bariire,waxaana Aroortii hore ee Saakay la wareegay Degaanka dagaalameyaal Hubeyasan oo ka tirsan Al-shabaab.
Goobjoogeyaal ayaa KNN u sheegay in Al-shabaab ay Calankooda Madow ka taageen Xarunta Degmada iyo Saldhigga Ciidamada Bariire,waxaana la sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay degaanka uga baxeen dhanka Laanta Buuro ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Al-shabaab ayaa Dhowr jeer oo is xig xiga Weerar ku qaaday Degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Taliska Ciidamada Xoogga dalka weli kama hadlin Ciidamada ka baxay Bariire,waxaana Ciidamada Xoogga ay Degaanka Bariire la wareegeen Bishii Agoosto ee la soo dhaafay