Uncategorized

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM oo la wareegay deegaanka Bariire.

Bariire-KNN-Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelaha Hoose ayaa soo sheegaya in saakay Ciidamada Dowladda ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaanka Bariire ee duleedka degmada Afgooye.

Warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in Ciidamada isbaheysanayay ay la wareegeen degaankaas kaddib dagaal muddo kooban socday waxaana halkaasi dagaal looga saaray Dagaalamayaashii Al-Shabaab.

Ciidamada Dowladda iyo Ciidamada caawinayay ayaa fariisimo ka sameystay Saldhigyadii Al-shabaab ay ka deganaayeen degaanka,waxaana la sheegayaa in ay wadaan howlgallo kale.

Al-shabab ayaa degaanka Bariirre iyo degaannada hoostaga maamulayay xilliyadii dambe,waxaana socday weerarro u badan dhabbo gal oo ay inta badan ku sameyaan Ciidamada AMISOM ee isaga kala goosha Gobolka Shabeellaha hoose.

Xaaladda deegaanka ayaa hada degan waxaana si buuxda u maamulaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Kua Huwanta ah.