Somali News

Ciidamada Eretria ee ku sugan Tigrey oo dhaawacay dad rayid ah

Wararka ka imaanaya magaalada Cadwa ayaa sheegaya in ciidamada Ereteriyaanka ee kusugan Gobolka Tigreeyga ay rasaas toos ah la bartilmamaysadeen dad shacab ah.

Wakaalada AFP ayaa shaaca ka qaaday iyadoo goob jogayaal soo xiganaysa in 19qof ay rasaasta dhaawac kasoo gaartay waxanaa wakalada ay sheegtay in ciidanka oo saarnaa gawaarida gaashaman ay rasaasta si toos ah ugu bartilmamaysadeen dadkii ksugnaa magaalada cadwa.

Warbaahinta oo xiriir lasameysay wasiirka warfaafinta ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin kabixiyo wararka ay warbaahinta tebinayaan.