Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal culus uu saakay kasocdo deegaanka Dhagaxyaale oo 50 km u jira degmada Guriceel ee Gobolkaasi.
Dagaalka ayaa waxaa uu u dhaxeeya Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Galmudug iyo Al-Shabaab, waxaana dagaalka uu yimid kadib markii deegaanka lagu dagaalamayo ay soo galeen rag ka tirsan Al-Shabaab.
Dad ku sugan Deegaanka Dhagaxyaaale ayaa sheegayin ilaaa iyo hada aan la ogeyn khasaaro rasmiga ah ee ka dhashahy dagaalkaasi.
Ma jiraan Weli wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Maamulka Galmudug, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixyeen dagaalka ka socda deegaanka Dhagaxyaale.