Somali News

Ciidamada Hindiya iyo Pakistan oo ku dagaalamay xaduuda labada dal

Jamu-KNN-Inta la xaqiijiyay 15 ruux ayaa ku geeriyooday tiro kale oo intaas ka badana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ciidamada dalalka Hindiya iyo Pakistan ku dagaalamaan xaduuda ay wadaagaan ee gobolka Kashmiir.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada labada dal ay illaa iyo shalay madaafiic isku waydaarsanayeen xaduuda Kashmiir.

Dawlada Hindiya waxaa laga soo xigtay in 5 askari dhankooda kaga waxyeelowday dagaalka dhacay.

Hindidu Pakistan ayaa ayay ku eedeeyeen inay bilaabeen dagaalka.

Dhanka Pakistan waa ay beeniyeen eeda Hindiya waxaana war laga soo saaray wasaaradda gaashaandhiga Pakistan lagu sheegay in dhawr madfac oo dhankooda kusoo dhacay ay wax khasaare nafeed ah geysan.

Labada dawladood waxay isku haystaan gobolka Kashamiir.