Somali News

Ciidamada ilaaliya shaqaalaha dhisaya wadada Muqdisho iyo Afgooye oo la qarxiyey

Muqdisho-KNN-Wararka aan ka heleyno deegaanka Carbiska oo u dhaw dehmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose waxay sheegayaan in qarax miino lala beegsaday gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Illaa shan askari ayaa la sheegay in qaraxaas ay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay, sida aan xogta ku helnay.

Askarta lala beegsaday qaraxaas ayaa ka mid ahaa ilaalada gaarka ah ee shaqaalaha iyo injineerada Turkida ah ee dhisaya laamiga dheer ee xariiriya magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Inkastoo aysan weli sheegan hadana Al-Shabaab ayaa marar badan qarxiyey shaqaalaha, askarta iyo injineerda Turkida ah ee ku howlan dhismaha wadada laamiga ah ee xariirisa Muqdisho iyo Afgooye.