Somali News

Ciidamada Itoobiya Dhaq-dhaqaaqyo ka wado Gobalka Bay.

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya Duleedka Deegaanka Deynuunay ee Gobalka bay ayaa sheegaya in Ciidamada itoobiya ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ay ka wadaan Deegaankaasi.

Dhaq- dhaqaaaqan ayaa ka dambeeyay kadib markii Shalay ay gaareen Deegaanka Deynuunay Ee Gobalka Bay, iyadoona ay xusid mudan halkaasi uu dagaal ku dhex maray Ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya iyo Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dadka Deegaanka ayaa KNN u Sheegay in ay ka cabsi qabaan in dagaal uu ka dhaco duleedka Deegaanka Deynuunay.

Deegaanka Deynuunay ayaa Dhowr jeer waxaa ku dagaalamay Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.