Somali News

Ciidamada Itoobiya oo lagu qarxiyay Gedo.

Muqdisho-KNN-Warbaahinta Al-Shabaab ayaa Baahisay in qarax miino la eegatay Ciidamo ka tirsan Itoobiya oo marayay duleedka Degmada Doolow ee gobalka Gedo.

Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Yurkut ee Gobalka Gedo, waxaa ayna shabaab sheegeen in khasaaro ay gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya.

Sarkaal u hadlay Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegay in qaraxa ay ku dileen ku dhawaaad afartameeyo ka tirsan Ciidamada Itoobiya.

Ilo ka madax banaan Al-Shabaab ayaa sheegay in qarax ay ka maqleen deegaanka  Yurkut ee Gobalka Gedo,islamarkaana aysan xaqiijin Karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi.

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada itoobiya ee Marayay deegaanka yurkut ee Gobalka Gedo.