Baydhabo-KNN-Deegaanka Deynuunay oo ka tirsan Gobalka Bay ayaa waxaa qarax xoogan lagu la eegtay ciidamo Ethiopia ah oo marayay deegaankaasi.
Qaraxan oo ahaa mid ay jugtiisu aad u xoogan,islamarkaana laga maqlay Inta u dhexeysa baydhabo iyo buurhakabada ee Gobalka bay ayaa dhaliyey Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamadii Ethiopian ka ahaa ee lala eegtay qaraxa.
Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in qaraxa lala eegtay ciidamo ka tirsan itoobiya, waxaa ayna sheegeen in khasaari lixaad leh la gaarisiiyay ciidankaasi.
Warbaahinta Al-Shabab ayaa waxaa ay sheegtay in qaraxaasi lagu dlay 5 askari oo ka tirsan ciidanka itoobiya.
Dhanka kale Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Taliska ciidanka Itoobiya Gobalka Bay iyo Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.