Muqdisho-KNN-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax miino lala eegtay kolanyo ka tirsan ciidamo Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM.
Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa KNN u sheegay in ay maqleen dhawaqa qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan, islamarkaana uu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana wararku sheegayaan in ciidamadu u diideen dadka in ay ka agdhawaadaan goobta uu qaraxa ka dhacay.
Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan Ciidamada Itoobiya xiliga qaraxa lala eegtay ay ku sii jeedeen Saldhig ay cidianka ku leeyihiin duleedka deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa waxaa ayna sheegeen in ay ku dileen askar ka tirsan ciidamada Itoobiya, hasaahaatee ma jirto cid madaxbanaan oo arintaa xaqiijin karta.
Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa ee AMISOM ayaa xiligan waxaa ay ka howlgalaan magaalada Beledweyne iyo deegaannada kale ee ka baxsan gobalka Hiiraan.