Muqdisho-KNN-Ciidamada itoobiya iyo kuwa Koonfur-galbeed soomaaliya ayaa Saaka lagu soo waramayaa in howlgallo ballaaran ay ka wadaan wadada isku xirta Deegaanka Awdiinlle iyo degmada Bardaale ee gobalka Bay.
Howlgalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii halkaas shalay qarax lagula beegsaday Ciidamo itoobiyaan ah oo ku socdaalaya wadadaasi.
Waxaana Howlgalada ciidamada ay kaga jawaabayaan weerar shalay lagu qaaday ciidamada Itoobiya.
Dagaalamayaasha Al-shabaab oo sheegtay mas’uuliyada Qaraxa lala beegsaday Ciidamada itoobiya ayaa sheegay in qaraxa ay ku dileen 10 askari oo ka tirsan Ciidamada itoobiya


