Somali News

Ciidamada Jabuuti oo iskaga baxay saldhig ay ku lahaayeen Jalalaqsi

Jalalaqsi-KNN-Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa  Jabuuti ee loo yaqaano (Hiil Walaal) ayaa la sheegayaa in ay isaga baxeen guud ahaan saldhigyadii ay ku lahaayeen gudaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Dadka Deegaanka  ayaa KNN  u sheegay in ay arkayeen ciidamadaasi oo wata gaadiidka dagaal oo ka baxaya  degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ciidamada Jabuuti ay dib uga baxeen degmada Jalalaqsi oo in muddo ah ay maamulayeen.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga ayaa sheegay in saldhigyada ay baneeyeen ciidamada AMISOM ay la wareegeen kuwa Milatariga Soomaaliya.

Gudoomiyihii hore ee dagmada jalalaqsi Maxamed Cabdi Fiidow oo wareysi siiyay KNN ayaa sheegay in ciidamada ay ka baxeen degmada Jalalaqsi