Uncategorized

Ciidamada Jubaland iyo kuwa Kenya oo lagu weeraray duleedka magaalada Kismaayo

Kismaayo-KNN-Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in weerar ku bilowday Qarax ay Al-Shabaab ku qaadeen Ciidamo ka tirsan Jubbaland iyo Kenya.

Dagaalamayaasha Al shabaab ayaa Waxaa la Sheegay in weerarkan ay ku qaadeen Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Kenya iyo kuwa  jubbaland  kuwaas oo marayay degaanka Buulla gaduud oo qiyaastii 30 Km u jirta Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada Hoose.

Kolonyadan  la weeraray ayaa ka soo baxay Magaalada kismaayo ee gobalka Jubbaland,iyagoona ku sii jeeday degaanka Buulla gaduud ee gobalkaasi.

Dadka degaanka bulla Gaduud ayaa KNN u Sheegay in Weerar uu ka dhacay Degaanka Buulla gaduud ee gobalka jubbada Hoose,islamarkaana ay maqlayeen dhawaqa rasaasta oo ay isku adeegsanayeen Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland iyo Al-Shabaab.

War ay baahisay Idaacad ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka lagu qaaday ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,inkastoo aysan Shabaab sheegin tirada Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ay kaga dileen Weerarkii ku bilowday Qaraxa oo ka dhacay Degaanka Buulla gaduud ee gobalka jubada hoose.

Dhanka kale ma jiraan Weli Wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland kaasi oo ku aadan Warkan ay baahiyeen Shabaab oo ahaa in khasaaro ay gaarsiiyeen Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya.

Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland iyo Dagaalamayaasha al-Shabaab ayaa Dhowr jeer waxaa ay ku dagaalameen Degaanka Buulla gaduud ee gobalka Jubbada Hoose.