Uncategorized

Ciidamada Jubbalan iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay deegaanka Qooqaani

Kismaayo-KNN-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ka dhacay deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubada Hoose kaas oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Jubbalan, kuwa Kenya iyo Al-shabaab.

Dagaalka ayaa labada dhinacba waxay ka sheegteen guulo.

Al-shabaab waxay baahiyeen in ay la wareegeen fadhiisimo ciidamada Jubbalan iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin deegaankaas isla markaana ay jabiyeen ciidamadii halkaas joogay khaaso kala duwan ay gaarsiiyeen.

Saraakiisha ciidamada maamulka Jubbalan ayaa dhankooda sheegay in weerar ay soo qaadeen Al-shabaab iskana difaaceen, khasaarana gaarsiiyeen.

Majirto cid ka madax banaan labadaan dhinac oo xaqiijin karta khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi.