Uncategorized

Ciidamada Jubbaland oo 24 saac ee la soo dhaafay Xabsiga Dhigay ku dhawaad 40 qof oo ka mid ah dadka Shacabka Ah ku nool Kismaayo.

Kismaayo-KNN-Wararka naga Soo gaaraya Magaalada kismaayo ee Xarunta g.jubbada hoose ayaa Waxaa ay Sheegayaan in 24 Saac ee la soo dhaafay Ciidamada Amaanka jubbaland ay Xabsiga Dhigeen Qaar ka mid ah Shacabka ku nool magaalada Kismaayo.

Dadkan ayaa waxaa ay banaan bax ay kaga Soo horjeedaan Sababta ka Dambeysay in Dowlada Soomaaliya ay u gacan geliso Dowlada Itoobiya Cabdixakiim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo ka mid ahaa  saraakiisha ugu sarraysa ururka ONLF. Muddadii ugu dambaysa waxa uu ku dhuumaalaysanaayey gudaha Soomaaliya.

Amarkan lagu Xiray Dadkan Shacabka ayaa Waxaa bixiyay madaxda ugu Sareysa ee Maamulka jubbaland,sida ay idaacadda kulmiye u sheegeen Qaar ka mid ah Ehelada Laga Xiray Dadkooda,islamarkaana Diiday in magacooda loo adeegsado Warbaahinta.

Dadka la Xiray ayaa Tiradooda waxaa ay Gaareysaa ku dhawaad 40 qof,inkastoo Ciidamada Amaanka Jubbaland ay Baadi goobayaan Dad kale oo la Sheegay in iyagu ay baxsadeen,Maadaama Xiliga Howlgala uu socday oo dadka la qab-qabanayay Qaarkood ay goobta ka Carareen.

Xiriiro aanu la sameynayay Masuuliyiinta Maamulka Jubbaland ayaa noo suura galin,maadaama Saraakiisha Jubbaland qaarkood ay ka jawaabi waayeen Wicitaankeena.

Maamulka Jubbland ayaa inta badan waxaa lagu eedeeyaa in dhibaatooyin kala duwan loo geysto Siyaasiyiinta Caanka ah ee ka Soo jeeda Deegaanada jubooyinka iyo gedo.