Kismaayo-KNN-Deegaanada dhaca Waqooyiga Gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa saakay dhaqdhaqaayo ka wada Ciidamada maamulka Jubbaland.
Ciidamada oo ka soo dhaqaaqay degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa gaaray deegaano ay horay u maamulayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab oo uu ka mid yahay deegaan lagu magacaabo Diif oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose iyo dhul badan oo Miyi ah.
Saraakiisha hogaamineysa Ciidamadaas ayaa sheegay in ay ku sii wajahanyihiin deegaano hor leh oo loogu sheegay in ay ku suganyihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Saraakiisha Ciidamada Jubbaland waxa ay sheegeen in deegaanadii ay saakay gaareen oo horay ay ugu sugnaayeen Al-Shabaab aysan kala kulmin wax iska hor imaad ah, si fududna ay kula wareegeen, iyagoo sheegay in bishaan Ramadaan gudeheeda Al-Shabaab ay ka saarayaan deegaanada ay kaga suganyihiin Gobolka Jubbada Hoose.
Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa mararka qaar weeraro toos ah ku qaada saldhigyada gobolka Jubbada Hoose ay ku leeyihiin Ciidamada Xoogga, kuwa Jubbaland iyo AMISOM.