Somali News

Ciidamada Jubbaland Oo gacanta ku dhigay askari Dil gaystey

Ciidamada Daraawiishta Mamaulkka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay Askari la sheegay in uu dil gaystey, waxaana ay Ciidanku kasoo qabteen Askariga Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Askariga lasoo qabtay aya wararku waxaa ay sheegayaan in uu ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka, waxaana uu dilay sida la shegay qof shacab ah, halka qof kalena uu ku dhaawacay.

Howlgalka inta uu socday ayaa waxaa is rasaseyn ay dhexmaraty Askariga iyo sidoo kale Ciidanka daraawiishta Jubbland, waxaana markii danbe u suura gashay Ciidmada in ay soo qabtaan Askariga, wallow uu jiro khasaare soo gaaray Ciidanka Howl galka sameeyay.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in ay sharciga hoegeyn doonaan, iyadoo maxkamadda Jubbland ay horay u ridday xukunno ay ku fulisay Askar la sheegay inay dilal gaysteen, waxaana ay toogasho iyo xabsi ku ridday dmbiilayaal horay maxkamadda Jubbland lasoo taagay