Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi lagu xiray dad dhigayey banaabax looga soo horjeedo qaar kamid ah odayaal dhaqameed shalay ciidamada amaanka Jubbaland Kismaayo ay ku xireen.
Dadkan dhigayey mudaharaadka oo ay ciidamada amaanka xireen ayaa dalbanayay in maamulka Jubbaland ay sii daayaan odayaal dhaqameedka u xiran.
Wararka ay heleyso Idaacada Kulmiye ayaa sheegaya in Odayaal hor leh oo ka mid ahaa dibed baxayaasha ay ciidamada xabsiga u taxaabeen maanta.
Tan iyo doorashadii Axmed Madoobe ee Dowladda diiday in ay aqoonsato Kismaayo waxey dhex maquuraneysay jawi siyaasadeed cakiran, Waxaa halkaasi ka taagan xiisad ka dhalatay xariga Odayaasha.


