Somali News

Ciidamada ka tirsan dowladda oo gaaray hotel Afrik iyo rasaas weli la maqlayo

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo hotel Afrik ayaa sheegaya in ciidamada sida gaar ah u tababaran ee Haramcad ay gaareen hotelka ay Kooxo hubeysan weerarka ku qaadeen, islamarkaana haatan ka dhex dagaalamaya

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in ciidamo badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay haatan wadaan dadaalo lagu badbaadinayo dadka ku jira hotelka oo ku yaalla nawaaxiga Isgoyska KM4 ee Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in weli la maqlayo rasaas goosgoos ah iyo Jug culus oo ay isweydaarsanayaan Kooxihii weerarka soo qaaday iyo Ciidanka Dowladda.

Gaadiidka gurmad ayaa sidoo kale gaaray goobta, waxaana socda gurmad loo sameynayo dadka dhibaatada ka soo gaartay qaraxyada iyo dagaalka socda.

Ilaa iyo hada lama khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyada iyo dagaal ka socda Hotel Afrik ee magaalada Muqdisho