Uncategorized

Ciidamada Kenya iyo Al-shabaab oo ku Dagaalamay Gobolka Gedo

Dhamase–KNN–Wararka ka imaanaya Degaanka Dhamase ee Gobolka Gedo islamarkaana Hoostaga Degmada Baardheere ayaa sheegaya in Maanta uu ka dhacay Dagaal u dhexeeya Ciidamada Kenya iyo Dagaalameyaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Al-shabaab ay Jidgooyo u dhigeen Kolonyo ka tirsan Milatariga Kenya oo ka soo baxay Degaanka Dhamase kuna soo jeeday Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Goobjoogeyaal ku sugan Degmada Baardheere oo diiday in Codkooda iyo Magacooda intaba loo adeegsado Warbaahinta ayaa KNN u sheegay in Dagaalka dhexmaray Ciidamada Kenya iyo Al-shabaab uu mudo Saacado ah qaatay islamarkaana Dhinacyada Dagaalamay ay isku Adeegsadeen Hubka Nuucyadiisa kala duwan.

Dhanka kale Baraha Internedka Ee Al-shabaab ay Wararkooda ku baahiyaan ayaa lagu Qoray in Weerarka ka dhacay Degaanka Dhamase ay ku Gubeen Shan Gaari oo Nuuca Dagaalka ah islamarkaana ay ku Dileen Askar uu ku jiro Taliye Sare oo ka tirsan Ciidamada Kenya sida ay hadalka u dhigeen.

Saraakiisha Ciidamada Kenya weli kama hadlin Weerarka ka dhacay Degaanka dhamase ee Gobolka Gedo.

Dhowr Jeer ayaa Dagaal u dhexeeya Ciidamada Kenya iyo Al-shabaab waxaa uu ka dhacay Degaanka Dhamase oo dhaca Xadka Gobolka Gedo uu la wadaago Gobolka ay Soomaalidu dagto Ee NFD,balse kenya ay ula baxday Gobolka Waqooyi Bari Kenya.