Somali News

Ciidamada Kenya oo Buusaar ka baxay & Al-shabaab oo qabsaday

Buusaar-KNN-Wararka ka imaanayo degaanka Buusaar ee degmada Ceel-waaq ayaa soo sheegaya in saakay aroortii hore ay ka baxeen Ciidamada Milateriga Kenya islamarkaana ay qabsadeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Goob joogayaal ayaa kNN u sheegay in Milateriga Kenya ay ka baxeen degaanka waxaana gudaha u soo galay dagaalamayaasha Al-shabaab kuwaas oo hada isku fidiyay degaanka.

Ciidamada Kenya ayaa 2dii bishaan ka baxay degaanka Fax-fax dhuun ee degmada Baardheere iyagoo aan ku wargelin Maamulka Gobalka. Hada ayaa sidoo kale la soo sheegayaa in ay iska baxeen iyagoo aan ku wareglin Maamulka Gobalka in ay ka baxayaan degaanka waxaana taagan cabsi ku aadan in Al-shabaab ay dhibaateeyaan dadka degaanka.