Somali News

Ciidamada Kenya oo dad u qabtay weerar lagu qaaday xero milatari

Ciidamada Booliska Dalka Kenya  gaar ahaan kuwa ka howgala  Gobolka lamuu ee dalkaas ayaa shacaa ka qaaday in ay soo qabteen  dad lagu eedeenaayo in ay ka danbeeyeen weerrakii qarax ku bilowday dagaalka  tooska ahna  xigay ee shabab ay ku qaadeen xero miltari o ku taal deegaanka Manda Bay ee ka tirsan Gobolka Lamu.

Xerada la weeraray ayaa waxaa Saldhigyo ku leh Ciidamada Badda ee Dowladaha Kenya iyo Mareykanka,waxaana la sheegay in Al-Shabaab ay ku gubeen gawaari badan iyo diyaarado dagaal.

Goobihii dagaalka uu ka dhacay ayaa caawa dagan iyadoona xoga dheeraad ah aan laga Hayn khasaaraha RASMIGA ah ee halkaasi la dhacay.

Alshabab ayaa sheegatay in ay  gubtay 7ba dayuuradood oo nooca dagaalka ah askar badana ay dileen.

Sidoo kalana kenya ayaa sheegatay in ay toogatay 4 kamid ah ragii xerada weerara