Muqdisho-KNN-Askar ka Tirsan Ciidanka Militariga Kenya ayaa Dilay 10 Dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab Isniinta maanta ah, waxaa ayna kala wareegeen Qoryo AK47 ah iyo rasaas aan tiradooda la soo Bandhigin kadib howlgal ay Ciidanku ka sameeyeen Lamu, Sida lagu baahiyay TV-ga Citizen ee Kenya laga leeyahay.
Sedax ka mid ah Ciidanka Kenya ayaa sidoo kale dhaawac ka soo gaaray weerarka oo dhacay saacadihii hore ee saaka.
TV-gu waxaa uu sheegay in Cidanku ay ku daba joogaan Xubno ka tirsan Al-shabaab oo baxsaday iyagoo dhaawac ah.
“Dadka Deegaanka waxaa laga codsanayaa in ay warbixinta nala wadaagaan, waxaa suurta gal ah argagixisadda dhaawaca ah ee baxsaneeysa in ay caawimaaad idinka raadinayaan” ayuu sheegay Col. Paul Njuguna oo military-ga Kenya ka tirsan.
Ciidanka Militariga Kenya ayaa Lamu waxaa uu ka wadaa Howlgal ay doonayaan in kaynta Booni ay Al-shabaab uga saaraan.