Uncategorized

Ciidamada Kenya oo inta badan ka baxay Saldhigyadii ay ku lahaayeen Jubada Hoose.

Kismaayo-KNN-Ciidamada Milatariga Dowladda Kenya ee ku sugnaa gobalka Jubada Hoose ayaa la xaqiijiyay in ay Baneeyeen inta badan Saldhigyadii ay ku lahaayeen gobalka Jubada Hoose waxaana ka mid ah Meelaha ay ka baxeen Saldhigii ugu weynaa Milatariga Kenya ee degmada Dhooblay.

Saraakiil ka tirsan Jubbaland ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in Milatariga Kenya ay baneeyeen Saldhigoodii ugu weynaa oo ay ku lahaayeen Degmada Dhoobley ee gobalka Jubada Hoose, sidoo kale Ciidanka ayaa ka baxay Saldhigii ay ku lahaayeen Jaamacadda magaalada Kismaayo iyo Saldhigii ay ku lahaayeen degmada Afmadow ee gobalka Jubada Hoose waxayna hada Soomaaliya ka joogaan Saddex Saldhig oo kaliya oo kala ah Garoonka Kismaayo,Dekedda iyo deegaan hoos yimaad degmada Ceel-waaq ee gobalka Gedo.

Milatariga Kenya ayaa hore u baneeyay dhamaan Saldhigyadii ay ku lahaayeen Gobalka Gedo, marka laga reebo deegaan ku yaalo duleedka Ceel-waaq Lamana oga sababta ka danbeysa ka bixitaanka Ciidamada Kenya.

Goobaha Qaar ay baneeyeen Milatariga Kenya ayaa lagu wareejiyay Ciidanka Itoobiya halka Saldhigyada qaarkoodna ay joogaan Ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo kaliya.

Dhamaan Shacabkii aan la hadalnay ee ku nool meelaha ay Baneeyeen Ciidamada Kenya ayaa si weyn u soo dhaweeyeen ka bixitaanka Ciidanka Kenya.

Milatariga Kenya ayaa Lagu eedeeyay in duqeyn aan kala sooc la heyn ka geestaan meelo ka mid ah Soomaaliya gaar ahaan Gedo iyo Jubooyinka.

Kenya ayaa Gudaheeda waxaa ku furan dhibaatooyin ay ugu weyn tahay amaan daro saameysay Inta badan Gobalada Dalkaasi sidoo kale Dowladda Kenya ayaa u diyaar garoobeysa Rabshada laga cabsi qabo in ay ka dhacaan Gudaha wadankaasi.