Uncategorized

Ciidamada leysku dhafay ee Galmudug oo bilaabaya howgal ka dhan ah Al-shabaab

Dhuusa-mareeb-KNN-Ciidanka maamulka Galmudug ayaa qaadaya howlgal ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab ee ku sugan deegaano kamid ah Galmudug.

Madaxwaynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo kahadlayey munaasabad lagu mideynayey ciidamada Galmudug iyo Ahlu suna oo horey u kala ahaa Ahlu Sunna iyo Galmudug ayaa sheegay in qorshaha Galmudug ay kula dagaalamayso Al-shabaab uu xoogaystay, islamarkaana howlgalkaasi door weyn ay ka qaadanayaan ciidamada la mideeyey.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf madaxweynaha Galmudug ayaa  ugu baaqay shacabka Galmudug inay ciidamada ku garab siiyaan hawlgalka, si Al-shabaab looga dulqaado dhibaatada ay ku hayaan dadka ku dhaqan bariga gobolka Galgaduud iyo deegaano aan badnayn oo hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Galmudug oo horey loo mideeyey Baarlamaankeeda ayaa sidoo kale lagu guuleystay in la isku daro ciidankeeda oo horey ugu kala sugnaa magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb, taas ayaana u sahleysa iney qaadaan howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo ku sugan degmooyin katirsan Galmudug.