Somali News

Ciidamada Mareykanka oo soo qabtay Nin Xaaskiisa dilay oo baxsad ahaa

Muqdisho-KNN-Booliiska Magaalada San Diego ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay soo qabtayn Abdiaziz Kerow oo la aaminsan yahay in uu ka dambeeyay dilka Xaaskiisa Muna Salaad Kuri, oo bilaawgii bishaan lagu dilay gurigeeda oo ku yaala magaalada City Heights ee San Diego.

Abdiaziz Kerow oo 45 jir ayaa laga soo qabtay dalka Panama isagoo ka baxsanaya Mareykanka kadib markii lagu tuhmay dilka Xaaskiisa Muna oo 36 jir ah islamarkaana Meydkeeda laga helay gurigii ay labadooda daganaayeen.

Kerow ayaa sidoo kale la sheegay in markii uu xaaskiisa dilay ku qariyay meel ka mid ah guriga taasoo adkeysay in la ogaado ama la helo Meydka Gabadha.

Waalidiinta iyo qaraabada Marxuum Muna Salaad Kuri ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin soo qabashadda ninkaan, islamakaana ay rajo ka qabaan in uu wajaho xukun adag.