Uncategorized

Ciidamada Maraykanka oo Shacab badan ku dilay Gobalka Shabeelaha Hoose.

Bariire-KNN-Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelaha Hoose ayaa soo sheegayo in xalay ay weerar dhinaca lugta ah ay deegaanka Bariire ka geesteen Ciidamo Maraykan ah iyo Ciidamada Gaarka u tababaran ee Soomaaliya.

Weerarka ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Bariire ee gobalka Shabeelaha Hoose waxaana la sheegay in ay ku dhinteen dad badan ii shacab ah sida ay KNN u xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta gobalka.

Saraakiil ka tirsan maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa KNN u sheegay in Ciidanka ay weerarka ka fuliyeen dhul beereed ku teetsan degaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose waxa ayna halkaasi ku dileen ugu yaraan 10 qof oo shacab.

Sidoo kale dadka degaanka ayaa KNN u sheegay dhammaan dadka la laayay in ay ahaayeen shacab, aan waxba galabsan, waxaana dadka la laayay ay ahaayeen dhamaantood rag.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta loo beegsaday beeraleyda balse Ciidamada dowladda iyo kuwo Mareykanka ah ayaa degaanka Bariire ee jiinka wabiga Shabeelle dhaca waxaa ay ka qabsadeeen Al-Shabaab.

Ciidamada Maraykanka ayaa sidaan oo kale 10 cesho ka hor deegaanka Shiikh Axmed yare ee duleedka Magaalada Jilib ee gobaka Jubada dhexe ku dilay 7 qof oo shacab waxaana soo badatay beegsiga Shacabka ay u geysanayaan Ciidamada Maraykanka.