Somali News

Ciidamada Milateriga iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay Qoryooley

Qoryooley-KNN-Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay duleedka degmada Qoryooley ee Gobalka Shabeelaha Hoose sida ay sheegayn mas’uuliyiinta Gobalka.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay dagaalamayaasha Al-Shabaab weerarayn fariisin ay Milateriga Soomaaliya ku leeyihiin duleedka degmada Qoryooley ee Gobalka Shabeelada Hoose.

Si rasmi ah looma oga khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah ee ka dhashay dagaalkaasi balse Saraakiisha Milateriga ayaa sheegay in ay iska difaacayn weerarka uga yimid Al-shabaab.

Muddo ku dhow hal saac ayaa la sheegay in uu socday dagaalka Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab sida ay KNN u sheegayn dadka degaanka.