Somali News

Ciidamada Militariga oo Saakay baaritaano ka wado G/Sh.Hoose.

Qoryoolay-KNN-Wararka ka imaanaya degmada Qoryoolay ee gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in saakay Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya ay baaritaano  ka wadaan deegaano iyo Tuulooyin hoostaga Degmadaasi oo ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha  Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa KNN  u sheegay in Ciidanka ay lug ku marayaan Wadooyinka soo gala degmada waxayna dadka weydiinayaan xaaladda deegaanka iyo halka ay joogaan Ururka  Al-Shabaab.

Ciidamada Militariga  ayaa Baadi goobaya  dagaalamayaasha   ka tirsan Al-Shabaab oo lagu tuhmaayo in ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Xaafadaha degmada Qoryoolay ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Baaritaanka ay wadaan ciidamada xooga ayaa ka dambeeyay kadib markii shalay  Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen Ciidamada Xoogga iyo kuwa AMISOM.

Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku sugan yihiin Deegaano hoostaga Degmada Qoryoolay ee Gobalka Shabeelaha hoose oo Halkaasi mararka qaar weeraro toos iyo Qarax ku soo qaada ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee Saldhigyada ku leh Degmada qoryoolay.