Somali News

Ciidamada Militeriga Soomaaliya hawlgallo ka wada gobolka Gedo

Muqdisho-KNN-Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada militeriga Soomaaliya ay maanta halkaasi ka bilaabeen hawlgal wado furis ah.

Hawlgalkan ayaa waxaa hoggaaminaya Saraakiil sare oo ka tirsan militeriga Soomaaliga, guddoomiyaha gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimo iyo sidoo kale qaar ka tirsan guddoomiyeyaasha degmooyin hoos taga gobolkaasi.

Degmooyinka Luuq,Beled-Xaawo iyo Doolow ayaa ka  mid ah meelaha ay maanta Ciidamada militeriga Soomaaliya ay ka wadaan hawlagallada wado furista ah.

Guddoomiyaha gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaji Macalimow ayaa warbaahinta uga war bixiyay hawlgalkan, isagoo sheegay in ay uga jawaabayaan cabasho kaga timid dhanka shacabka ku nool gobolkaasi, oo sheegay in ay dhibaatooyin fara badan kala kulmaan xilliyada ay adeegsanayaan wadooyinka isku xira, degmooyinka ay hawlgalladu ka socdaan maanta.