Somali News

Ciidamada Myammar oo toogtey Dibadbaxyaal diidan

YangoonKNN:Inta la xaqiijiyay 2 ruux ayaa ku geeriyootay kadib isku dhac dhex maray ciidamada amaanka iyo banaanbaxayaa Myanmar ee diidan ciidamada afgambiga ku qabsaday talada dalkaas.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamadu ay maanta dibadbaxayaasha u adeegsadeen awood dheeraad ah rasaas nool noolna ku rideen.

Isku dhaca ugu weyn waxaa uu ka dhacay magaalada labaad ee dalka Myanmar ugu weyn ee Yanguun.

Rabshaduhu waxay bilowdeen kadib markii maanta ciidamadu isku dayeen inay xoog ku kala cayriyaan banaanbaxayaal deganaa goob gaadiidka dadweynaha laga raaco magaalada Yanguun hase ahaatee diidanaa inay goobta ka tagaan.

Tan iyo bilowgii bishaan xaaladda dalka Myanmar ma deganeyn oo dibadbaxyo rabshado wata ayaa ka socday kuwaasoo lagu diidan yahay militryga xukunka xooga kula wareegay.