Somali News

Ciidamada nabad ilaalinta u joogey dalka Congo oo baxaya

Ciidamo nabad ilaalin u joogey dalka Congo ayaa maanta billaabay in ay isaga baxeen wadankaasi oo ay muddo kulo dagaalamayeen kooxo ka soo horjeedo dowladda.

Ciidamada Nabad ilaalinta ayaa ka soo jeeda dalalka Uganda, Kenya, Burundi iyo Koofurta Suudaan, waxaana ay muddo sanad ah dagaal kula jireen falaagada mucaaradka M23 ee ku sugan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo.

Kenya ayaa la baxday 300 oo ciidan ah, koonfurta Sudan ayaa la baxday 287 askari,  iyada oo Burundi iyo Uganda ay sheegeen in  ay bixi doona ciidamadooda.

Madaxweynaha Congo Félix Tshisekedi uu diiday in uu muddada dheereeyo, isaga oo ku eedeyay in howshii loo idmaday aysan si fiican.