Somali News

Ciidamada Nigeria oo beeniyay in ay dileen dibad baxyaal.

Ciidamada dalka Nigeria ayaa beeniyay wararka sheegaya in ay dileen dibad baxyaal aan hubaysneen bishii October.

Taliyaha ciidamada oo warbaahinta lahadlay ayaa soo bandhigay muuqaal uu ku sheegay in uu cadeen u yahay in ciidamadu aysan wax dil ah u gaysan dibad baxyaasha.

Hay’adda udooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in ciidamada rasaas ay ku fureen dibad baxyaasha ayna ku dhinteen 12 ruux.

Sidoo kale goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkayeen askarta oo toogasho u geesanaya dadka shacabka ah ee ka qayb qaadanayay dibad baxyada.