Somali News

Ciidamada Nigeria oo ku raad jooga koox arday ka qafaalatay iskuul ay wax ka baranayeen.

KNN Abuja: Ciidamada dalka Nigeria ayaa sheegay inay ku raad joogaan koox hubeysan oo in ka badan 100 arday ka qafaashay iskuul ku yaala waqooyiga Nigeria.

 Afhayeen uhadlay militryga Nigeria ayaa warbaahinta dawlada u sheegay inay hadda hareereeyeen meel keyn ah oo ay koox hubeysan ku haystaan illaa iyo 150 arday oo gelinkii dambe ee shalay laga qafaashay iskuul ay wax ka baranayeen oo ku yaala tuulo la yiraahdo Tegina.

 Wararka qaar ayaa sheegaya in kooxda afduubka geysatay oo la aaminsanyahay inay xiriir la leyihiin Boko Xaraam ay dalbadeen lacag madax furasho ah.

Mid ka mid ah macalimiinta wax ka dhiga iskuulka caruurta laga qafaashay ayaa sheegay in kooxda ardayda afduubatay ay wateen mootooyin kadibna ay ardayda wateen.