Somali News

Ciidamada NISA oo gacanta ku soo dhigay ganacsato ku eedeysan la shaqeynta Al-shabaab

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa  gacanta ku soo dhigay shakhsiyaad macaamil la sameeyay kooxda Al-shabaab.

War-qoraal ah oo ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in ay wali wadaan howlgallo lagu baadi goobayo xubno kale oo la tuhunsan yahay in ay la shaqeyaan Al-shabaab.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa uga dambeyn Ganacsatada uga digtay inay u dhego-nuglaadaan isku dayada Al-shabaab ku dooneyso in ay ku boobto hantidooda.